Ciidamada Kenya Oo Si Lama Filaan Ah Uga Baxay Deegano Ay Nabad Ilaalin U Joogeen
March 4, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Ciidamada Kenya ayaa shalay si lama filaan ku noqotay mas’uuliyiinta Gobolka Gedo ee Somalia uga baxay magaalada Faaxadhuun ee Gobolkaas Gedo, taasi oo markiiba ay la wareegeen maleeshiyada ururka Al-Shabab.
Waxaa jirta cabsi ah inay sidaasi oo kale ciidamada Kenya ka baxaan magaalada Busaar oo ay kaga harsan yihiin Gobolka Gedo.