Duuliyihii Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya Iyo Dhowr Qof Oo Ku Geeriyootay Shil Diyaaradeed+Daawo Sawirada
March 4, 2019 - Written by admin
Kenya(Berberatoday.com)-Duuliyaha oo lagu magacaabi jirey Kabtan Mariyo Maganga iyo 4 Muwaadin oo u dhalatay dalka Maraykanka ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Diyaarad Helikoptar oo ku burburtay Deegaanka Laboola oo ku dhow Harada Turkana ee Gobalka Turkaana ee dalkaasi.
Maydka Duuliyaha iyo burburka Helikopterkii uu lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto. ayaa saakayto laga helay halkii ay ku burburtay.
