berberatoday.com
“Arrimaha Badda Wada Hadal Kama Furna “Raysal Wasaare Kuxigeenka Dawlada Xamar Mahdi Maxamed Guuleed
March 5, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Iyadoo dhawaan uu meel sare gaadhay khilaafka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya, oo salka ku yaha muranka lahaanshaha meelo ka mid ah badda u dhaxeysa labada dal, ayey mas’uuliyiinta Soomaaliya hoosta ka xariiqeen mowqifkooda kama dambeysta ah.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir dhinacyo badan taabanaya, laakiin khilaafka la xiriira dhinaca badda uu yahay mid uusan wadahadal ka furneyn oo go’aankiisa laga sugayo oo kaliya maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Isagoo la hadlayay BBC-da ayuu ra’iisul wasaare ku xigeenku yidhi: “Soomaaliya iyo Kenya waa labo dal oo walaalo ah, daris ah, xiriir qota dheer oo isugu jira dhanka walaalnimada, bulshada iyo dhaqanka ayaana ka dhaxeeyay. Xiriirkaasi wuu jiraa waxbana iskama baddalin. Arrinta badda oo ay dadku mararka qaar soo hadal qaadaanna waa dacwad hor taalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, iyada ayaana ka dhur sugeynaa go’aankeeda”.
Mahdi ayaa sidoo kale sheegay in khilaafka dhanka badda uusan labada dal ka weecin doonin iskaashigii iyo xidhiidhkii wanaagsanaa ee ay lahaayeen.
Isbaddalkii dhawaan ku yimid xiriirka diblomaasiyadeed ee labada waddan ayuu ku tilmaamay mid Soomaaliya mowqifkeeda aan waxba ka baddalin.
“Arrinta ugu damnbeysay annaga nagama billaabanin, waxay ka billaabatay dalka aan walaalaha nahay ee Kenya, waa tii annaguna aan ka bixinay jawaab ku saleysan diblomaasiyad, saaxiibtinnimada iyo wada sheekeysiga naga dhaxeeyana mar walba waa halkiisa”.
Dhanka kale, mudane Muudeey ayaa BBC-da u xaqiijiyay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu barri oo Talaado ah ku wajahan yahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyadoo sida la ogyahayna uu halkaas uga sii horreeyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Balse waxa uu sheegay in safarka Farmaajo uu khuseeyo arrimaha ka dhaxeeya saddexda dowladood ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretariya.
Ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu casuumaad ka helay Ra’iisul wasaare abiy Axmed marka uu Addis Ababa gaarana uu kulan la yeelan doono madaxda Itoobiya iyo Eritrea, si ay usii amba qaadaan waxyaabaha ka harsan dhameystirka iskaashigii saddex geesoodka ahaa ee ay qabyada uga tageen.
Macluumaadka aan helnay ayaa intaas ku daray in sidoo kale madaxdu ay iska wareysan doonaan arrimaha guud ee ku saabsan gobolka, iyagoo dhanka kalena isla meel dhigi doona sidii shirka xiga ee iskaashiga saddex geesoodka ah loogu qaban lahaa magaalada Muqdisho.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada tirsan ururro ka jira gobolka oo si weyn ugu dhuun daloola arrimaha khuseeya waddamada ay dalladda iskula jiraan, iyagoo sidoo kalena si wada jir ah uga shaqeeya danaha ka dhaxeeya.
Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma ayaa goor sii horreysay sheegtay in Kenya ay wali Soomaaliya ka sugeyso jawaab faahfaahsan oo ku saabsan arrimaha ugu waaweyn ee lasoo hadal qaaday, iyadoo dhanka kalena xustay in Kenya ay aad isugu dayeyso iney “isxakameyso”, oo aysan tallaabo xad-dhaaf ah qaadin.
Qeyb ka mid ah sharraxaadda ay Soomaaliya ka sugayaan ayey sheegtay in ay tahay raalli galin laga doonayo in Soomaaliya ay siiso Kenya.
Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa meeshii ugu xumeyd gaaray bartamihii bishii lasoo dhaafay, ka dib markii ay Kenya amar ku bixisay in Safiirkii Soomaaliya ee Nairobi ku sugnaa uu dib ugu laabto Muqdisho, iyadoo sidoo kalena u yeeratay danjiraheedii Soomaaliya fadhiyay.
Berberatoday.com
COMMENTS
|