Haweeney Somaliyad Ah Oo Meydkeeda Laga Helay Gurigeeda Magaalada San Diego Ee Dalka Mareykanka
March 5, 2019 - Written by admin
San Diego(Berberatoday.com)-Muna Kuri oo aheyd 36 jir Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in meydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaala magaalada San Diego ee dalka Mareykanka sida laga soo xigtay ciidamada booliiska gobolkaasi.
Waxaa la sheegay in haweeneydan la la’aa tan iyo sabtidii, waxaana gurigeeda markii ay tageen xubno ehelkeeda ka mid ah ku arkeen iyada oo meyd ah oo qolkeeda dhax taala.
