Madaxweyne Trump Oo Farta Ku Fiiqay Cidii Ka Danbeysay Inuu Fashilmo Kulankii Uu La Lahaa Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi
March 5, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Maryekanka Donald Trump ayaa sheegey in go’aanka xisbiga Dimuqraaddiga ay ku gaadheen inay wareystaan qareenkiisii hore Michael Cohen isla waqtigii uu isaga la kulmayay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ay sababtay in uu fashilmo kulankaas.
Trump ayaa Axaddii soo dhigay bartiisa Twitter-ka in xisbiga Dimuqraddiga ay wareysteen “beenaale qirtay beentiisa” ayna ku soo aaddiyeen xilii uu dhacayay shir muhim ah oo Nukliyerka looga hadlayay, taasina ay sababtay in shirka lagu kala kaco.