Somaliland”Biyo-dhaan Loo Bilaabay Xeryaha Barakacayaasha Gobollada Bariga Iyo Dhul Kale Oo Abaaraysan
March 5, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha hay”adda qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed “Xinif” oo maanta warbaahinta kula xafiiskiisa, ayaa sheegay in biyo la’aan baahsani ay soo foodsaartay deeganada Somaliland gaar ahaan dadka barakacayaasha ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiye Xinif in ay xidhiidho kala duwan la sameeyeen qaar ka mida Hay”addaha ka hawlgala Somaliland, kuwasii oo uu sheegay in waxkala qabanayaan biyo la’aanta baahsan ee soo foodsaartay shacabka, isagoona tilmaamay inay qaar ka mida Hay”addahaasi ay ka soo jawaabeen codsigaasi.