Xog La Helay”Qaramada Midoobey Oo Dawlada Somaliya Ku Ciqaabeysa Go’aankii Lagu Eryay Nicholas Haysom
March 5, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Qaramada Midoobay ay cadaadis culus saartay Dowladda Soomaaliya, ayada oo ku ciqaabeysa go’aankii ay dalka uga cyrisay Wakiilkii UN-ka ee Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom kaas oo Soomaaliya ka shaqeynayay bilooyin kooban.
Qaramada Midoobay ayaan wali soo magacaabin wakiilkii badali lahaa Ambassador Haysom muda ka badan 60 cesho kadib markii la caydhiyey Haysom, sidii ay ku balameen Dowladda Soomaaliya.
