Cabdiraxmaan C/Shakuur Oo Si Adag U Dhaliilay Qoraal Ay Madaxtooyada Somalia Ka Soo Saartay Kulankii Farmaajo Iyo Uhuru
March 6, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn u dhaliilay War saxaafadeedkii Madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in qoraalka Villa Somalia uu yahay xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliya, isla markaana aan la soo hadal qaadin xuduntii khilaafka.
“Waa xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliyeed in ay Villa Somalia tiraahdo Kenya iyo Soomaaliya way heshiiyee iyaga oo aan soo hadal qaadin xuduntii khilaafka dhalisay”ayuu yidhi C/raxmaan C/shakuur.