Soomaaliya Iyo Kenya Oo Ku Heshiiyay In Cilaaqaadkii Soo Celiyaan Iyo Itoobiya Dhexdhexaadin Ka Gashay
March 6, 2019 - Written by admin
Narobi(Berberatoday.com)-Dawladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la soo celiyo oo la sii xoojiyo cilaaqaadkii dublamaasiyadeed, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.
“Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xidhiidha dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka”
