Maareyaha Hay’adda Waddooyinka Oo Kormeeray Dhismaha Wadada Kala-Baydh Iyo Dila
March 7, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maareeyaha wakaaladda horumarinta waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, oo hoggaaminaya wefti ka socda Midawga Yurub ayaa kormeer hawleed ku tagay mashruuca dhismaha jidka isku xidha magaalooyinka Dila iyo Kalabaydh, waxaanay u kuurgaleen habsami u socodka dhismaha waddadaasi oo muddooyinkii u dambeeyay gacanta lagu hayay.
Maareeyaha wakaaladda horumarinta waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Cismaan Sheekh Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyay nidaamka iyo qorshaha mashruucan dhismaha jidkan, waxaanu si wayn ugu mahadnaqay masuuliyiinta iyo Injineerada gacanta ku haya dhismaha waddadaasi iyo weftiga ka socda Midawga Yurub ee kala qayb qaatay kormeerkan.