Shirkada Qatar Airways Oo Shaacisay Xilliga Rasmiga Ah Ee Ay Duulimaadyada Muqdisho Billaabeyso
March 7, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa shaaca ka qaadday waqtiga ay sida rasmiga ah u billaabeyso duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Doxa.
Qoraal kasoo baxay Qatar Airways ayay shaaca uga qaadday in Bisha July ee 2019 ay toos isaga kala gooshi doonto Doha iyo Muqdisho, waxaana Muqdisho ay ka mid tahay toddoba magaalo cusub oo Qatar Airways ay u duuli doonto.
