Tirada Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Xabsiga Loo Dhigayo Falal Musuq Maasuq Oo Ay Sameeyeen
March 7, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hanti dhawraha guud ee qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir ayaa qorshaynaya inuu xabsiga u taxaabo 8 masuul oo ka mid ah xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.
Warar xogogaal ah ayaa sheegay in hanti dhawrku uu ku ogaaday baadhisyo uu waday masuuliyiin ka tirsan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo sameeyey falal musuq maasuq kuwaas oo haatan la qorshaynayo in xabsiga loo taxaabo.