Laba Fal Danbiyeed Oo Kufsiya Oo Kadhacay Gobolka Sanaag
March 9, 2019 - Written by admin
Sanaag(Berberatoday.com)-Laba Kiis oo Kufsi ah ayaa ka dhacay gobolka Sanaag gaar ahaan magalooyinka Badhan iyo ceelbuh maalinnimadii khamiistii. Falka hore oo ka dhacay Badhan ayaa Boolisku ay sheegeen in loogeystay gabadh-yar oo 6 jir ah oo dukaan u dukaamaysi tagtay iyaga oo sheegey in qabteen Nin falkaasi ku eedeysan.
Dhinaca kalena Gabadh kale oo 14 jir ah ayaa iyana kufsi iyo dhaawacyo loogu geystay deegaanka Ceel-buh ee isla gobolka Sanaag.Taliyaha qeybta Booliska Puntland ee gobolka Sanaag Cabdi Faarax Warsame oo aan la xidhiidhey waxa uu ii sheegey in ay raggii falkaasi geystay ay kudaba jiraan ayna wadaan baadhitaanno.