Mudaharaadyo Waaweyn oo Ka Soo Cusboonaaday Dalka Itoobiya
March 9, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Mudaharaadyo waa weyn oo ay qowmiyadda Oromada kaga soo horjeeddo dowladda Itoobiya ayaa maalintiisa afaraad ka socda dalkaasi.
Mudaharaadkan oo Arbacdi billoowday ayaa wuxuu ku billoowday magaalada Addis Ababa wuxuu ku sii fiday dalka intiisa kale.
Gaar ahaanna waxay mudaharaadyadu ka socdaan magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Oromada oo ah deegaanka ay ku nool ku nool yihiin qowmiyadda ugu badan.
Magaalooyinka ay ka socdaan Mudaharaadada xooggan waxaa ka mid ah Amb, Naqamte, Adaama, Asala, Gobba, Shaashamane, Roobee iyo magaalooyin kale.