“Qorshahayagu Waa Sidii Dadkeenu Deegaan Kasta Oo Ay Joogaan U Heli Lahaayeen Biyo Ku Filan”Wasiir Saleebaan Cali Koore”
March 9, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore, ayaa ka xog waramay qorshaha Wasaaradiisa ee dhinaca biyaha, waxaanu tilmaamay in wasaarad ahaan qorshohoodu yahay sidii ay dadka reer Somaliland ku heli lahaayeen biyo ku filan.
Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlay qorshaha wasaaraddiisa “Xukuumadda JSL ee uu Madaxweynaha ka yahay Muddane Muuse Biixi Cabdi, waxay diyaar u tahay inay dalkeeda iyo dadkeedaba horumar gaadhsiiso, waxay diyaar u tahay inay sare u soo qaado baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshada, ee ay Biyuhu ka mid yihiin, Xukuumad ahaan iyo Wasaarad ahaanba qorshahayagu waa sidii ay dadkeenu deegaan kasta oo ay joogaan ay u heli lahaayeen biyo ku filan, insha allaahna wey heli doonaan”.