Akhriso”Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Diyaarad Ay Leedahay Ethiopia Airline Oo Saaka Bur Burtey
March 10, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Diyaarad rakaab ah Ethiopian Airlins oo nooceedu ahaa Boeing 737 oo ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ayaa burburtay lix daqiiqo kadib markii ay hawada ku jirtey.
Rakaab gaaray 149 ruux iyo siddeed shaqaalaha diyaarada ah ayaa saarnaa waxaana la rumeysan yahay inay dhammaantood geeriyoodeen.
