Jidadka Magaalada Muqdisho Oo Maanta Xidhan Iyo Sababta
March 10, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba maanta xidhay inta badan jidadka muhiimka u ah isku socodka dadweynaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la filayo in dalka la keeno meydka Wasiirkii Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.
Wadooyinka ay ciidamada xidheen ayaa waxaa ka mid ah laga bilaabo Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye iyo Isgoyska Sayidka,isla markaana gaadiidka dadka Shacab ah ay wataan loo diidayo inay isticmaalaan.
