Somaliland Si Hagar La’aan ah Ayay Dhinaceeda U Wada Fulisay Qodobadii Heshiisyada Dekedda & Saldhigga, Laakiin Halka Mad-madawgu Ku Jiraa Waa Dhinaca Imaaraadka”Cali Guray.
March 10, 2019 - Written by admin
SAFAR SALAAMA INSHA ALLAH MADAXWAYNE
(Xisaabi Xil Ma Leh Hadaan La Xumayn)
Maansha Allah waa Madaxwayne Muuse Biixi oo maanta u kicitimay dalka Imaaraadka Carabta. Marka hore safar salaama marka xiga anigu waxan u arkaa in madmadowyo badani ka jiro dhinaca heshiisyadii ay Somaliland la gashay Imaaraadka dabcan Madaxwaynaha iyo xukuumadiisana looga fadhiyo inay si faahfaahsan wax ugu iftiimiyaan shacbiga Somaliland oo runtii iyo beentii ku jaho-wareersan xaqna u leh inay helaan xaqiiqada jirta, Gaar ahaan faa,iidada dhinaca Somaliland ugu jirta heshiiska Saldhigga Milatariga iyo waxa aynu siisanay ee inooga danta ah.