Wasiir Isku Casilay Arin Ugub Ah
March 10, 2019 - Written by admin
Tunis(Berberatoday.com)-Wasiirka caafimaadka Tunisia, Cabdirauf Sharif ayaa iscasilay ka dib markii 11 ilma markaa uun dhashay ah ay ku dhinteen cisbital ku yaal caasimadda Tunis.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in baaritaanno la sameeyay ay muujinayaan in ilmahaasi ay u dhinteen caabuq ka dhashay oksijiin la’aan mudadii u dhexeysay todobada ilaa sideedda bishan Maarso.
