berberatoday.com
Al-Shabaab Oo Ku Dhawaaqday Inay Dishay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Ciidamada Mareykanka
March 12, 2019 - Written by admin

Moqdisho(Berberatoday.com)-War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Al-Shabaab ayaa lagu faah faahiyay dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaan katirsan Sh/Hoose.

Al-Shabaab waxay xaqiijisay inay dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Daaru Salaam ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ee jooga dalka Soomaaliya islamarkaana ay dhaawacday 2 askari.

” Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee  Shabeelaha Hoos waxay Al-Shabaab khasaara lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Mareykanka, waxaan muslimiinta ugu bishaaraynaynaa in dagaalkii xalay lagu dilay sarkaal American ah oo ahaa taliyihii hoggaaminayay ciidamada weerarka soo qaaday halka ay dhaawacmeen 2 askari oo kale” ayaa lagu yidhi  warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay inay  dagaalkii xalay ku dileen 6 kamid ah Ciidamada Bangaraafta loo yaqaan.

Sidoo kale waxay Xarakada Sheegtay inay gacanta ku dhigtay hubkii iyo qalabkii Melleteri ee uu watay sarkaalka Mareykanka ee lagu dilay dagaalka iyagoo intaas kusii daray inay ciidamada huwanta ah u suurtgashay  in ay goobta dagaalka si dirqi ah uga qaataan Meydadkii iyo dhaawacyadii gaaray sida lagu baahiiyey warbaahinada Al-Shabaab.

Sanaddii 2017 weerar sidaan oo kale uga dhacay deegaanka Daarusalaam ayay Al Shabaab ku dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Mareykanka kaas oo kamid ahaa ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkii lagu dilay Sheekh Osama Bin Laden Hoggaamiyihii Ururka Al Qaacidda sida ay Xarakada sheegatay.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews