Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Iyo Madaxweynaha Turkiga Oo Aflagaado Is-Dhaafsaday
March 13, 2019 - Written by admin
Ankara(Berberatoday.com)-Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu yeedhay “Kaligii taliye” iyo “khiyaali” ayada oo mar kale labada hoggaamiyo ay aflgaado is-dhaafsadeen.
Turkey ayaa talaadadii ku cambaareysay Netanyahu “Cunsurinimo cad” kadib markii Israel uu gu yeeray dal ay leeyihii “Dadka Yahuudda ah” oo kaliya, oo aysan muwaadiniinta kale waxba ku lahayn.
“Sida ku cad xeerka muwaadinnimada dalka ee aan ansixinay Israel waa dal Yahuudeed oo kaliya” ayuu Netanyahu ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta Instagram.