Tirada Somalida Ku Dhimatay Weerarka Masaajidyada New Zealand Oo Magacyadooda Lasoo La Helay
March 15, 2019 - Written by admin
New Zealand(Berberatoday.com)-Ugu yaraan afar qof oo Soomaali ah ayaa la sheegay iney ka mid noqdeen dad gaadhaya 49 qof oo saaka lagu laayey labo masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.
Nin hubeysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday dad fara badan oo salaada Jimcaha ku tukanayey labo masaajid oo halkaas ku yaalla, waxaana weerarkan ku dhaawacmay dad kale oo aad u fara badan.
Dadka Soomaalida ah ee illaa hadda la ogyahay iney ku dhinteen weerarkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Shiikh Nuur Muuse Cawaale oo ahaa Macalin dugsi Qur’aan, nin magaciisa lagu soo koobay Shiikh C/qaadir oo ka tirsanaan jiray shaqaalihii Wakaaladdii Biyaha Xamar, Aadan Diiriye iyo Wiil 6-sano jir ah oo uu dhalay laguna magacaabi jiray C/llaahi Aadan Diiriye.