berberatoday.com
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Maanta Booqasho Ku Tagaya Moqdisho Iyo Ujeedada Safarkiisa
March 16, 2019 - Written by admin

Moqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa inuu booqasho ku tago  magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan ujeedada socdaalka Madaxweyne Geelle ayaa lagu sheegay sidii uu xadhigga uga jari lahaa Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho.

Image result for Ismaciil CUmer Geele iyo Farmaajo

Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii February ee sanadkii 2017 si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha Safaaradda cusub ee Jabuuti oo ku taal degmada C/casiis, gaar ahaan dhanka Xero Mariino.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona xidhiidhka  labada dal iyo arrimaha ka jira Gobolka Geeska Afrika, waxaana Madaxweynaha uu bishii hore ee Febraayo booqasho ku tagay dalka Jabuuti

Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu wadaa inuu booqdo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xidhay waddooyin badan oo halbowle u ah isu socodka Xaafadaha, waxaana waddooyinka la dhigay ciidamo.

Tan iyo xalay waxaa magaalada Muqdisho ka socday diyaar garow iyo olole nadaafadeed, waxaana wadada Maka Al-mukarama ka socday nadiifin iyo wado dhaqid, iyadoo lagu arkayay gawaadhii booyado ah oo wadada biyo ku rusheynaya.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews