Maxaa Baajiyey Kulan Loogu Gogol Xaadhayay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Oo Turkiga Ka Qabsoomi Lahaa?
March 16, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa baaqday kulan la doonayay in gogol xaadh loogu sameeyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayay inuu ka dhaco magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo diblomaasiyadeed.
Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilahan xogogaalka ahi, kulankan waxa abaabulay ergayga Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Oglan Baker, waxaana la qorsheeyay inuu magaalada Ankara ka furmo 18 March, iyadoo ay Somaliland iyo Soomaaliya ogolaadeen inay soo dirtaan wufuud kulankaas gogol xaadhka ah ka qayb gasha.