berberatoday.com
Maxaa Baajiyey Kulan Loogu Gogol Xaadhayay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Oo Turkiga Ka Qabsoomi Lahaa?
March 16, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa baaqday kulan la doonayay in gogol xaadh loogu sameeyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayay inuu ka dhaco magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo diblomaasiyadeed.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilahan xogogaalka ahi, kulankan waxa abaabulay ergayga Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Oglan Baker, waxaana la qorsheeyay inuu magaalada Ankara ka furmo 18 March, iyadoo ay Somaliland iyo Soomaaliya ogolaadeen inay soo dirtaan wufuud kulankaas gogol xaadhka ah ka qayb gasha.

Hase yeeshee kulanka ayaa baaqday ka dib markii ay sida uu warku sheegay ay dawladaha Ingiriiska, Maraykanka iyo Sweden oo si weyn u danaynaya wada hadaladu ay ka cago jiideen inay goob-joog ka noqdaan kulankaas. Waxyaabaha kale ee kulanka baajiyay waxa ka mid ah dawladda Soomaaliya oo u soo xulatay shirkaas inay uga qayb galaan niman dhallinyaro ah oo aan lahayn awood badan oo siyaasadeed oo ay go’aamo ku gaadhi karaan.

Dawladda Somaliland ayuu warku sheegay inay qorshaysay inuu kulankaas uga qayb galo Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon.

Dawladda Turkiga ayaa dedaal xoogan ugu jirta inay dalkeeda dib uga bilowdo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo dhawr goor oo kala duwan dalkeeda lagu qabtay, waxaanay doonaysaa inay doorkan qaadato kaalin dhexdhexaadiye oo ka culus kaalintii hore ee ay ciyaari jirtay oo ku koobnayd inay fududayso madasha uu kulanku ka dhacayo.

Waxa iyaguna jira dawlado kale sida Sweden, Ingiriiska iyo Maraykanka oo danaynaya inay lug ku yeeshaan wada hadaladan, waxaanay dawladda Sweden doonaysaa inuu dalkeeda ka dhaco wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews