Wasiir Taageero Dhaqaale Ka Dalbaday Hay’adaha Jooga Somaliland Qaarkood!
March 16, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa warqad qoraal ah oo uu ku socodsiiyey qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee ku sugan Somaliland 13-kii bishani aynu ku jirno kaga dalbaday inay taageero maaliyadeed siiyaan wasaaradiisa.
Warqadani waxa uu wasiirku ku yidhi. “Wasaaradda Horumarinta Beeruhu waxay soo qaaday baahida loo qabo in la sameeyo qorshaha qaranka ee istiraatiijiyadda Beeraha, taasi oo noo saamaxaysa in aanu ogaano (qorshayno) talaabooyinka aan qaadi doono sannadaha soo socda si loo gaadho hadafka bartilmaameedka noo ah.