berberatoday.com
Xogo Cusub Oo Laga Helay Ninkii Ka Danbeeyey Toogashadii Masjidka New Zealand
March 16, 2019 - Written by admin

Christchurch(Berberatoday.com)-Si toos ah ayaa internet-ka looga daawanayay sida ay u socdeen weerarradii masaajidka ku yaalla magaalada Christchurch, waxaana baahinayay nin uu magaca u qoran ahaa Brenton Tarrant.

Muuqaal naxdin leh ayaa laga arkayay isagoo si aan kala sooc lahayn u tooganaya rag, haween iyo carruur ku wada sugnaa gudaha masaajidka Al Noor.

Tirada dhimashada ayaa hadda lagu sheegay 49 ruux.

Shakhsigan waxa uu horay internet-ka usoo dhigay qoraallo ku saabsan fikrado xagjir ah.

Booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan saddex ruux, isla markaana nin dhowr iyo 20 sano jir ah lagu soo oogay dacwad dil ah.

shalay oo Jimce ahayd Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison waxa uu xaqiijiyay in nin lagu qabtay New Zealand uu yahay muwaadin Australia u dhashay.

Mr Morrison ayaa ninkaas ku tilmaamay “qof xagjir ah oo argagixiso ah”, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Australia ay New Zealand ka caawin doonto baaritaannada.

Ninka laga arkayo muuqaalka ayaa watay wax u muuqday qalab kaamiro oo tayo fiican leh, kuwaaoo uu toos ugu baahinayay weerarka uu ka fuliyay bartamaha magaalada Christchurch.

Meelaha laga daawanayay muuqaalkiisa waxaa ka mid ahaa barta xidhiidhka bulsjhada ee Facebook, iyadoo ay dadki arkayeen sawirro naxdin leh.

Booliska ayaa isku gedaamay masaajidka la weeraray

Ninka weerarkan loo heysto waxaa gaadhigiisa laga maqlayay hees astaan ah oo lagu yaqaanno in lagu soo kulmin jiray ciidamadii qaran jaceylka Serbia, kuwaasoo loogu yeedhi jiray magaca Chetniks xilligii lagu guda jiray dagaalkii Bosnia ee socday intii u dhaxeysay 1992-kii ilaa 1995-kii.

Heestaasi waxay amaani jirtay hoggaamiyihii Bosnia iyo Serbiya kasoo jeeday ee lagu magacaabayay Radovan Karadzic, kaasoo markii dambe lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin xasuuq iyo dambi dagaal.

Qoriga uu watay ninka weerarka geystay waxaa ku qornaa magacyada raggii lagu helay dambiyada la xidhiidhay inay laayeen dadka Muslimiinta ah iyo qaxootiga.

Warbaahinta dalka Australia ayaa soo tabiyay in warqado laga helay ninkan ay muujinayaan in Masjidka Al Noor uu calaameystay saddex bilood ka hor.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews