berberatoday.com
Argagixiye Kiristaan Ah Oo Maxkamad La Soo Tagay, Ka Dib 49 Qof Oo Masaajiiddo Ku Toogtay
March 17, 2019 - Written by admin

New Zealand(Berberatoday.com)-Dowladda New Zealand  ayaa maxkamad soo taagtay ninka fuliyay  toogashadii ka dhacday magaalada Christchurch oo ay ku geeryoodeen 49 qof oo muslimiin ah, kaddib labo weerrar oo jimcihii ka dhacay laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch.

Ninka weerarrada ku eedeysay oo lagu magacaabo Brenton Tarrant, waa 28 jir u dhashay dalka Australia, waxaana uu ka soo muuqday shabagga eedaysaneyaasha, isagoo xidhan xidhan dharka cad cad ee maxaabiista oo Gacmaha ka xidhan, waxaana loo haystaa hal dacwad oo ah dil.

Tarrant, ayaa la arkayay isagoo madaxa ruxaya xilligii uu xaakimku akhrinayay dambiyada loo haysto oo ah dil, isagoo la amray in xabsiga lagu sii hayo illaa April 5 markaas oo maxkamadda sare ay dhagaysan doonto dacwaddiisa.

Xaakimka Maxkamada Paul Kellar ayaa u oggolaaday Weriyaasha inay Sawriro ka qaadaan eedeysanaha, balse aan la muujin wejigiisa.

Brenton Tarrant ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii doraad salaaddii Jimce rasaasta ku furay muslimiin ku tukanaysay laba masaajid oo ku yaal dalka New Zealand,waxaana ku dhintay 49 ruux, halka 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkan.

Laba qof oo kale ayaa xabsiga la dhigay. Mana jiro qof kamid ah dadkaas xidhan oo horay dambiyo u galay.

Qofkii ugu horreeyey ee waxyeelladu ka soo gaadhay weerarkii dhacay Jamcihii ayaa qoyskiisu sheegeen in lagu magacaabi jiray Daoud Nabi, oo ahaa 71 jir u soo guuray New Zealand kana yimid Afghanistan sanadkii 1980-kii. Weli lama sheegin wax la xidhiidha aqoonsiyada dadkii kale ee waxyeelladu soo gaadhay.

Dadka la dhaawacay waxaa ku jira laba wiil oo yar yar oo 13 jirro ah, kow iyo toban kamid ah dad la dhaawacay ayaa lagu dawaynayaa Cisbitaalka Christchurch, xaaladooduna aad ayay u liidataa sida uu sheegay madaxa qalliinka ee cisbitaalkaas, Greg Robertson.

Ammaanka guud ee magaalada Christchurch ayaa la adkeeyey. Waxaana la xidhay dhammaan masaajiidda ku yaal New Zealand, iyadoo hoos loo dhigay dhismeyaasha dawladda ee ku yaalla magaalada uu weerarka ka dhacay, sida laga soo xigtay haweenayda guddoomiyaha ka ah magaalada Christchurch,Lianne Dalziel.

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews