Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Soo Jeedisay In Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya Loo Weeciyo dhanka Madax-dhaqameedka
March 17, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Fooziya Yuusuf Xaaji Aadan oo hadda ka mid ah Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Dalka Soomaaliya, marna noqotay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dalkaasi, ayaa ka hadashay Wada-hadallo la filayo inay mar kale wada yeesheen Dawladda Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasi oo la sheegay inay suurto-gal tahay in lagu qabto Dalka Gaana.
Fooziya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa sheegtay in maaddaama oo dhowr jeer oo hore ay wada-hadleen Somaliland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya in doorkan Wada-hadallada loo beddelo in Madax-dhaqameedyo laga soo xulo Somaliland iyo Soomaaliya, laguna wada-hadashiiyo meel ka mid ah Dalka gudihiisa, ka dibna Go’aanka ay soo saareen loo gudbiyo siyaasiyiinta labada dhinac.