berberatoday.com
Xog Rasmiya Oo Laga Helay Kulankii Madaxweynaha Iyo Gudida Ganacsatada Somaliland Ee Galabta
March 17, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xog Rasmiya oo aanu ka helay kulankii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo gudida ganacsatada somaliland maanta galinkii danbe ku dhexmaray Madaxtooyada ayaa sheegaya in kulankaasi markii hore lagu kala kacay kadib markii Madaxeynaha Wasiirada Ganacsiga, Maaliyada Iyo Arimaha Guduhu usoo jeediyeen Gudida ganacsatada inay lacagta lagu kordhiyay bixiyaan arinkaasina uu yahay mid Madaxweyne Muuse Biixi xagaa Dubai kala yimi oo Shirakada ay iskula soo afgarteen in korodhka lacagtaas sarifka uu hirgaliyo cabashadooda dakhli raadintana  shirka DP World-na uu aqbalo Ha yeeshee Gudida Ganacsatada ee Madaxweynaha la kuklantay ayaa ka gaws adaygay sheegayna inaanay arinkaas qaadan karin aqbalina karin.

Kadibna waa lagu kala kacay hase yeeshee intii aanay ganacsatadu Madaxtooyada ka bixin ayaa waxa ubaaqay oo dib ugu yeedhay madaxweynaha kana codsaaday inay maanta codsiga lacag kordhinta ka aqbalaan maadama oo Madaxweynuhu uu balanka hirgalinta arinkas Dubai kala yimi.

Ganacsatada oo aad arinkaas uga warwareegtay waxa xogata aanu helay sheegaysaa inay aqbaleen inay lacagtaas bixiyaan oo halka dollar sarifkiisa shirkada Dp World kusiiyaan 8500 SL Shilin halka markii hore uu ahaa 7000 SL Shilin,

Madaxweyne Muuse Biixi oo hore ganacsatada ugu balan qaaday inaanay shirkada DP World ee dekeda Berbera maamushaa waxba ka bedeli karin qiimaha Sarifka Lacagta Dollar ah ee Lagu qabto Lacagaha Hawl socodsiinta badeecadaha mar ay bishii kowaad ee sanadkan cabasho ula tageen inatay xanta lacag korodhka maqleen ayaa codsiga maanta kadib mar kale ubalan qaaday in korodhka lacagta Sarifka aanay halkaa dhaafin doonin Shirkada Dp World iyada oo Shalayna uu wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Xasan Sacad Saajin uu sheegay inay Shirkada DP World bisha lixaad ee sanadkan 2019ka lacagta sarifka mar labaad kordhin doonto kuna qaadi doonta Sicirka uu suuqyada Somaliland ka marayo rasmina uu yahay arinkaasi Hayeeshee madaxweynaha oo balankiisii hore aanu fulin ayaa mantana ganacsatada ubalan qaaday in aanay DP World wax danbe kordhin doonin.

Wararka aanu dhinaca ganacsatada ka helayno ayaa sheegaya in maalinta Beriya ay shaqadii cashuurta badeecadaha Dekeda yaala ee maalmihii udanbeeyay aan lala bixin ay la  bixi doonaan lacagtii ay hore udiidanaayeena ay bixin doonaan.

Ganacsatada Somaliland ayaa hadiyo jeer marka Cashuur ama lacag kaloo adeeg lagu kordhiyo maalmaha uhoreeya shaqo joojin iyo diidmo qayaxan sameeya balse maalmo kooban kadib aqbalay waxa ay marka hore diidaan waxaanad moodaa inay ushaqeeyaan Sida Sharabka Soodhaha Leh ee Marka Hore Xooriya Daqiiqado kooban kadibna kala fadhiista,

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews