Zimbabwe Oo Looga Dhawaaqay Xaalad Musiibo Qaran
March 17, 2019 - Written by admin
Zimbabwe(Berberatoday.com)-Tan iyo markii ay ku dhufatay xeebta Mozambique khamiistii, duufaantaasi ayaa ku qasabtay kumannaan qof in ay guryahooda ka baxaan.
Dalka Zimbabwe, magaalada Chimanimani, oo ku taalla buuralleyda dhanka bari ee xuduudda ayay duufaantu si daran u saameysay.
Ciidammada ayaa loo diray in ay caawiyaan arday boqollaal gaareysa, kuwaasoo iskuulladooda ay waxyeello gaartay.