War Deg Deg Ah”Wafti Uu Hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Dibada Erteriya Oo Somaliland Booqasho Rasmiya Kuyimi
March 18, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Amuuraha Debeda Dalka Eriteria Osman Salah ayaa Markii uhoreysay Booqasho rasmiya kuyimi Jamhuuriyada Somaliland.
Wasiirka oo ay Booqashadiisa ku wehelinayaan Masuuliyiinta katirsan Dawlada Eriteria ayaa goordhaweyd ka soo dagay garoonka diyaaradaha Caasimada Somaliland ee Hargeysa ee Cigaal International Airport waxaana kusoo dhaweeyay Wasiiro katirsan Xukumada Somaliland uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Debeda Yaasin Maxamud Faratoon Waxaana la filayaa inay booqashadooda ku joogi doonaan Somaliland maalmaha soo socda.