Dawladda Ingiriiska Oo Lagu Eedeeyay Inay Ku Fadhido Ictiraaf Somaliland Ka Hesho Beesha Caalamka
March 19, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere), ayaa Dawladda boqortooyada Ingiriiska ku eedeeyay inay ku fadhido in Somaliland ay beesha Caalamka ka hesho Ictiraafka ay xaqa u leedahay.
Xildhibaanka oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Ingiriisku markii uu Xornimada siiyey Somaliland aanu Masuuliyad dambe iska saarin isla-markaana uu gacan ku lahaa in Gobanimadii Somaliland lagu tuuro Soomaaliya, haddana illaa Maanta uu wado dagaal ka dhan ah Somaliland.