Hargeysa Maxkamad Nin Ku Xukunay In Dhagax Lagu Dilo Iyo Garyaqaan Dhaliilay Xukunkaas
March 20, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) ayaa dhalliilay habka uu u dhacay garsoore nin ku xukumay in dhagax lagu dilo gabadh curyaamad ahna 100 jeedal lagu dhufto kadib kiis labada qof u dhexeeyay oo ku saabsana kufsi.
Waxa uu sheegay in aanu xukunkaasi marin hannaanka sharciga ah balse garsooruhu qaatay go’aan.
Qoraal uu arrintan kaga hadlay garyaqaan Guuleed Dafac ayaa u dhigna sidan:-
Garsoore ka tirsan Maxkamadda Degmada oo aan dacwad ciqaabi hor ool, eed xeer-ilaalin soo gudbisay hayn, dhegaysi dacwad ciqaab ah qaadin ayaa magaalada Hargeysa ku xukumay nin in dhagax lagu dilo, gabadh kufsi ka cabanaysayna in 100 jeedal lagu dhufto. Garsooruhu isagaa isku xeer-ilaaliye iyo garsoore ba noqday. Mana uu eegin in maxkamadiisu awood u leedahay iyo in kale in qof dil lagu xukumo. Umana daynin hay’adaha sharci baadhista, iyo xeer-ilaalintu inay shaqadooda qabsadaan oo ogaadaan wixii dhacay iyo in gabadha curyaanta ah ee soo cabatay ay dulman tahay iyo in kale. Maragna muu qaadin.