Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Oo Amaanay Soo Galootiga Dalkaasi Ku Nool
March 20, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George W Bush ayaa amaanay saameynta ay dadka soo galootiga ah ku leeyihiin waddankiisa, xilli uu khudbad u jeedinayay dadkii dhawaan la siiyay dhalashada Mareykanka.
George W Bush oo hadda 72 sano jir ah ayaa soo noqday madaxweynihii 43-aad ee Mareykanka waxaana uu xilka hayay intii u dhaxeysay sannadihii 2001-dii ilaa 2009-kii.
Isagoo hambalyo u jeediyay dadka cusub ee kusoo biiray muwaadiniinta Mareykanka ayuu sheegay in dalku uu mar walba u baahan yahay iyaga oo kale.