Xog”Ma Madaxweyne Muuse Biixi Ayaa Socdaal Ku Tagaya Asmara Mise Madaxweynaha Eritrea Ayaa Safar Ku Imanaya Hargeysa ?
March 20, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kadib socdaal saddex maalmood maraya ee wasiirka arimaha dibada dalka Eriteriya Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Eriteriya Yamane Gebreab ay ku yimadeen magaalada Hargeysa , waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhawaan ay kulan yeelan doonan labada madaxweyne ee Somaliland iyo Eriteriya Muuse Biixi Cabdi iyo Isaias Afwerki .
Wasiirka arimaha dibada dalka Eriteriya Cismaan Saalax ayaa markii uu madaxweyne Biixi kulanka la yeeshay waxuu u sheegay in madaxweyne Eriteriya u soo diray Somaliland si ay wax badan uga ogaadaan xaalada Somaliland ay ku sugan tahay , maadama oo ay Eriteriya hawda ka maqneyd muddo 20 sanno ku siman oo ay cuno qabateyn ay saarneyd , waxaana uu sheegay in madaxweyne Eriteriya ay gaadhsiin doonan waxyaabaha ay Somaliland ku arkaan .