Akhriso”Qodobada Lagaga Dooday Iyo Kuwa Lagu Ansixiyay Ee Kalfadhigii 31aad Ee Golaha Wasiirada Somaliland Oo War Saxafadeed Laga Soosaaray
March 21, 2019 - Written by admin
Hargeysa(BErberatoday.com)-Kal-fadhigii 31-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Waxa Maanta Lagu Ansixiyey Siyaasadda Shaqaalaha Rayidka Ah Iyadoo Lagaga Dooday Qodobo kale Oo Muhiima.
Kal-fadhigii 31-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21/03/2019, waxa lagu ansixiyey siyaasadda shaqaalaha rayidka ah oo ay golaha horkeentay Wasaaradda shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoysku.