Dawladda Ereteriya Oo Soo Bandhigay Afar Qodob Oo Xudun U Ahaa Wada Hadalada Madaxweyne Biixi Iyo Weftiga Asmara
March 21, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Ereteriya ayaa baahisay afar qodob oo xudun u ahaa wada hadalada ay weftiga Ereteriya la yeesheen Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiinta kale ee dawladda Somaliland.
Wasiirka warfaafinta Ereteriya Yemane G. Meskel, ayaa saddexdan qodob ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka oo uu inta badan mariyo farriimaha dawladda Ereteriya.
“Weftiga Ereteriya waxay soo gabagebeeyeen socdaal guul ahaa oo ay saddex maalmood ku joogeen Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadlayay weftiga Ereteriya oo shalay dib ugu laabtay dalkooda, waxaanu intaas raaciyay, “Waxay kulamo balaadhan la yeesheen Madaxweynaha iyo tiro kale oo masuuliyiin ah.”