Raysal Wasaaraha Dalka New Zealand Oo Sheegtay In Malinta Beriya Ee JimcahaIdaacadaha Dalkaas Oo Dhan Laga Baahin Doono Eedaanka Salaada
March 21, 2019 - Written by admin
New Zealand(Berberatoday.com)-Raysal wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern, ayaa sheegtay in maalinta jimcaha ah ee berri idaacaddaha dalkaasi laga wada baahin doonno Eedaanka salaadda jimce.
Jimcaha berri ayaa ku beeggan toddobaad ka dib markii uu dhacay weerarkii argagixiso ee lagu laayay dad ku dhow 50 muslimiin ah.
Jacinda ayaa sheegtay in tallaabadani ay tahay, mid lagu garab istaagayo muslimiinta dalkaasi.