“Somaliland Hadii Aanay Dib Ulasoo Noqoto Madaxbanaanideeda,Maanta Waxba Kamay Duwanaateen Somaliya, Hargeysana Ciidamo Shisheeye…”Cali Guray.
March 21, 2019 - Written by admin
Somaliland: Waan Asqaysanahee Ku Aaway!
1991kii markii Somaliland ay dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda may jirin dawlad soomaaliyeed qaranimadii soomaaliyeed ee ku timi midnimadii 1qii July 1960kiina kamay dambayn dhamaadkii xukunkii Maxamed Siyaad Barre. Somaliland markaa si ay uga badbaadiso dadkeeda dawlad la’aanta Somaliya ay wakhtigaasi gashay waxay garatay inay dib ula soo noqoto madaxbanaanidii ay ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska iyo qaranimadii ay tuurtay 5 maalmood oo keliya ka dib markii ay heshay. Hadii aanay sidaa yeelin ee ka dhursugi lahayd dawlad soomaaliyeed xaalka Somaliland maanta waxba kamuu duwanaadeen ka Somaliya Hargeysana Ciidami shisheeye ay joogi lahaa. Waxaynu ognahay in muddo ka badan 28 sanadood oo Somaliland ay madaxbanaanideeda haysatay aanay dunida dal keliyana ka helin aqoonsi waana sax in la iswaydiyo waayo? laakiin nasiib darro la isa waydiin diyaarna looma aha in la iswaydiiyo ee laf ayuun baa toobin lagu hayaa. Tabo iyo xeelado cusubna lagama fakirin waddadii hore oo ta ilaa maanta la hayo ahina inay soo oodanto ayaa suurtogal ah hadii aan talalada la rogrogin tu walbana la isa sarin oon laba tagoogoodna la isa saarin.