Wadamada Yurub Oo Walaac Ka Muujiyay Dhalmo Yarida Dadkooda Iyo Soo Galaytiga Sida Xawliga Ah Ugu Dhalaya Caruuraha Wadamadooda
March 21, 2019 - Written by admin
Oslo(Berberatoday.com)-Tiro aad u yar ee qoysaska Yurub oo doorta inay carruur badan dhalaan. dalalka EU/EØS midkoodna hadda uma dhawo inuu tirada dadkiisa isku dheeli tiro.
Keliya waa dadkii oo duqoobaya- Soogalooti – oo dalalkaa yurub ku sii siyaadaya.
Iyadoo Ra’iisul wasaare Erna Solberg ay khubadeedii sannadka cusub kaga faa’iidaysatay tirada dhalmada oo ku yar dadka noorweejiga oo ay baaq ka soo saartay ayaa waxaa soo baxaya in dhammaan dalalka yurub ay arrintaas ka wada siman yihiin.
Dalku wuxuu u baahan yahay celcelis ahaan qiyaastii 2,1 cunug si meeshiisa loogu hayo tirada shacabka dalka, balse tiro soo baxday sannadkii 2018 ee dhawaan dhamaaday ayaa muujisay in noorweejigu ay dhalaan wax ka yar intii loo baahnaa. Taasoo markii ugu horeysay ay dhasheen tiro ka yar 1,6 cunug gudaha Norway, waxayna ku soo gebagebowday 1,56 cunug.