Madaxweynaha Kenya Oo Xidhay Ciwaannadiisii Baraha Bulshada Iyo Sababta
March 22, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Kenaya Uhuru Kenyatta ayaa xidhay ciwaannadiisii baraha bulshada ka dib markii uu ruux aan loo fasixin galay ciwaannada, sida uu Twitterka ku soo qoray agaasimahiisa.
Nzioka Waita ayaan wax faahfaahin ah ka bixin waxa dhacay, balse wuxuu sheegay in ay khadka ku soo noqon doonaan “ka dib marka la saxo waxa khaldan”.
Ciwaannada Kenyatta uu ku leeyahay Twitterka iyo Facebook waxaa ku taxan malaayiin dad ah.
Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Star ayaa ku warrantay in Twitterka madaxweynaha saaka la soo dhigay qoraal xasaasi ah oo siyaasadeed, ayna arrintaasi ugu wacan tahay xidhidda ciwaannada madaxweynaha.