Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Togdheer Axmed Aw Cali Shabeel ayaa shaaca ka qaaday waaranka qabashada ah ee loo jaray wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon
“Warqadaas aan imika garaacayey waa waaran maxkamadeed, Hargeysa ayaa laga soo diray oo gudoomiyaha maxkamada gobolka Togdheer ayaa la soo mariyey, isaguna waxa uu yidhi soo qabta ninkaas.”ayuu yidhi taliye Shabeel oo la hadlay telefishanka Horyaal24.
Taliye Axmed Aw Cali Shabeel oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay cida dacwaynaysa wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon waxaanu yidhi “Cabdimaalik waxyaabo badan ayuu galay mar Itoobiya ayuu tagayaa, mar soomaaliya ayuu tagayaa marna Somaliland ayuu imanayaa waxa uu doonana wuu ku hadlayaa,madaxda sare ee dawlada Somaliland ayaana eedaynaysa Waxaanu odhanayaa Maamulka Muuse dawlada somaliyaana qaran ayuu ku shdeegayaa.”
Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa wakhti uu ku sugnaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa uu shaaciyey in ciidamada booliska Somaliland raadinayaan balse aanu garanayn sababta loo doonayo.