Wasiirkii Eriterianka Ahaa Ee Hargeysa Labada Maalmood Joogay Oo Socdaal Aan Lasii Shaacin Ku Tagay Muqdsho
March 22, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wefti uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha dibedda Eriteriya Cismaan Saalax Maxamed, ayaa socdaal aan la shaacin oo xogtiisa aad loo xaddiday ku joogga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka dib booqashadiisii Hargeysa.
Sida ay ii xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan, socdaalka wasiirka ayaa waxaa uu ku saabsan yahay arrimo la xidhiidha wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
Hawshan waxaa hormuud ka ah, Raysal wasaaraha Itoobiya ahna guddoomiyaha urur gobolleedka IGAD Abiy Axmed.