Xisbiga UCID Oo Dalladda SONYO Ka Difaacay Eedayn Aan Meelnaba Haysan Oo Uga Timid Xisbiga WADDANI
March 22, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO ka difaacay eedayn xisbiga mucaaridka ah ee Waddani u jeediyay oo Ururkaasi la xidhiidhiyay inay ku dhexmilmeen siyaasadda.
Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga caddaaladda iyo daryeelka UCID, Jiir Cali Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay taageersan yihiin dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO, isagoona ku amaanay doorka firfircoon ee kaga jirto bulshada, gaar ahaan dhallinyarada Somaliland.
Mr. Jiir waxa uu sheegay in Dalladda SONYO ay madax-bannaan tahay oo aanay ku milmin arrimaha siyaasadda