Dowladda Soomaaliya Oo Deg Deg Ugu Yeedhtay Safiirkii Geneva Iyo Sababta
March 23, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa si dhaqso ah ugu yeedhtay inay dalka ku soo gasho,Faadumo Cabdullaahi Maxamuud (Faadumo Insaaniya) oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey Ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva.
Warqad uu ku saxiixna wasiirka arrimaha dibadda ayaa lagu amray Amb. Faadumo Insaaniya inay muddo aan toddobaad ka badneyn ku soo gasho xarunta wasaaradda ee ku taalla magaalada Muqdisho.
Laguma caddeyn warqada sababta sida deg deg ah safiirka loogu yeeray, balse waxaa lala xiriiray aamuskii ay safiirka ka aamustay qaraarkii lagu cambaareeyay go’aankii Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights.