Wasiirka Maaliyada Sacad Cali Shire Oo Bangiyada Gaarka Loo Leeyahay Ku Dhaliilay Shuruudaha Adag Ee Ay Ku Xidhaan Lacagaha Amaahda Ah H
March 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa bangiyada dalka ku dhaliilay sida ay u adkeeyaan lacagaha ammaahda ah ee ay dhallinyaradu weydiistaan si ay ugu samaystaan maalgashi.
Sacad Cali Shire ayaa ugu baaqay shacbiga inay xisaabaad ka furtaan bangiyada isla markaasna ay lacagtooda dhigtaan si dalku uu uga faa’idaysan karo, waxaanu Wasiir Sacad kaga hadlay khudbad uu ka jeediyay Jaamacada Hargeysa oo uu kaga hadlaayay maalgashiga dalalka aan la aqoonsanayn.
Wasiirka maaliyada ayaa ku canaantay jaamacadaha dalka in aanay u tabobarin dhalinyarada inay qabtaan shaqooyin gacanta laga qabanaayo ama inay curiyaan fikrado, taas badalkeedana dhalinyaradu ay wada doonayso inay xafiisyo fadhiistaan.