berberatoday.com
Toobabarihii Hore Ee Kooxda Manchester Unated Oo abaal Marin Gudoonsiiyay Cisbataal Iyo Dhakhaatiir Qaliin Halisa Ku Sameeyay
March 25, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Tababarihii hore ee kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa si buuxda uga soo kabsatay xannuun si deg deg ah ugu soo booday oo uu ugu dhawaaday in uu u geeriyoodo, laakiin waxa uu ilaahay daawo deg deg ah u soo dhex mariyay qalliin lagu sameeyay isla markaana uu muddo dhul yaal la’ ahaa.

Laakiin Sir Alex Ferguson ayaan ilaawin abaalkii uu ka helay cusbitaalkii qalliinka maskaxda looga sameeyay ee ilaahay sababta uga dhigay in uu aduunka ku sii noolaado kaas oo uu aaminsan yahay in la’aantood aanu maanta aduunka joogeen kadib xanuunkii kubbada cagta aduunka gilgilay ee dhinaca maskaxda kaga soo booday.

Sir Alex ayaa markii uu xuskiisu soo laabtay ee ka soo baxay qaliinkii halista ahaa ee uu maskaxda u maray waxa uu mahad celiyay shaqaalaha caafimaadka Macclesfield, Salford Royal and Alexandra Hospitals laakiin intaas kuma joogsan ee waxaa hadda la ogaaday abaal gudkii uu siiyay.

Sir Alex Ferguson ayaa xaflad ku qabtay hudheel ku yaala magaalada Manchester waxaana xafladan daadihinayay aktarka James Nesbitt waxayna ahayd xaflad dad badan lagu casuumay halkaas oo uu Sir Alex Ferguson sheekooyin iyo maad jilitaan ah ka sameeyay oo dadka aad uga qoslisay.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka mid ahaa dadkii ka qayb galay wuxuuna goob jooga xafladan ka qayb galay sheegay in xafladan lagu ururiyay lacag aad u badan taas oo uu Sir Alex Ferguson abaal gud ahaan u siiyay cusbitaalkii noloshiisa badbaadiyay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews