Wiil Muslim Ah Oo Ra’iisalwasaaraha New Zealand Kula Talliyay Inay Qaadato Diinta Islaamka
March 25, 2019 - Written by admin
Christchurch(BErberatoday.com)-Shabakadda Wararka Pakistan ee thenews.com.pk ayaa qortay in ra’isul wasaaraha dalkaasi, Jacinda Ardern ay wada-hadal la yeelatay nin dhallinyaro muslim ah, kaasi oo ku casuumay inay ku soo biirto ama qaadato Islaamka.
Wadahadalka dhex maray Ra’isul wasaaraha iyo ninka dhallinyarada Muslimka ah waxay dhaliyeen su’aalo xasaasi ah, haddii ay doonayso inay qaadato Islaamka.
Inkastoo ay hoggaamiyayaasha siyaasadda ee dalka New Zealand taageero u muujiyeen mujtamaca muslimiinta, kadib, markii weerarkii Argagixisadda ee lagu qaaday Masaajid ku yaalla magaalladda Christchurch.