Madaxweynaha Dawlada Xamar Maxamed Cabdillahi Farmaajo Oo Qiray Inaanay Ciidamada Maamulkiisu 3 Bilood Mushahar Qaadanin
March 26, 2019 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo La Hadlayay Saraakiisha Ciidamada Xooga Ayaa Shaaciyay In Muddo 22 Bilood Ah Oo U Dhiganta Sanad Iyo 10 Bilood In Dowladiisa Ay Si Toos Ah U Bixineysay Mushaaraadka Ciidamada.
Wuxuu Qiray In Ciidamada Aysan Qaadan Mushaaraadkooda Ku Dhawaad Seddex Bilood Isaga Oo Sheegay In Meelo Kale Lagu Mashquulay, Balse Labada Sano Ee U Hadhay Dowladiisa In Xooga La Saari Doono Sidii Ciidamada Xaqooda Loo Siin Lahaa.
Madaxweyne Farmaajo Ayaa Sheegay In Cadowga Dibadda Ay Doonayaan In Soomaaliya Ay Sidaan Kusii Jirto, Islamarkaana Ay Taasi Ugu Wacan Tahay Goobta Muhiim Ah Ee Dalkeena Uu Ku Yaalo.