berberatoday.com
Ra’iisul Wasaare Sheegay In Uu Carqaladayn Kala Kulmay Diyaaradaha Dagaalka Ee Turkiga Xili Uu Diyaaradiisa Saarnaa
March 26, 2019 - Written by admin

Ankara(BErberatoday.com)-Ra’iisul wasaaraha Giriigga ayaa sheegay in isaga oo diyaaraddiisa saaran oo u dabaal dagaya maalinta xoriyadda uu “carqaladayn kala kulmay” diyaaradaha dagaalka ee Turkiga.

Alexis Tsipras ayaa sheegay in diyaaraddiisa lagu qasbay “in ay xidaaraysato” ka dib markii diyaaradaha dagaalka ee Turkigu ay Isniintii galeen hawada Giriigga.

Ra’iisulwasaaraha ayaa Turkiga ku eedeeyay “ficil axmuqnimo ah oo aan macno ku fadhiyin”.

Laamaha ammaanka ee Turkiga ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay, waxayna sheegeen in diyaaradaha dagaalku ay samaynayeen hawlgal joogto ah.

“Milatariga giriigga ayaa qabtay ciidammadii ku soo xad gudbay hawada,” ayuu yidhi Alexis oo hadal ka jeedinaya jasiiradda yar ee Agathonisi oo ku taalla meel aan sidaa uga fogayn dhulwaynaha Turkiga.

Maalintan qaran ayaa loo dabaal dagaa sidii ciidammada Giriiggu ay ula dagaallameen dawladdii Cusmaaniyiinta sannadkii 1821.

Ra’iisulwasaaraha ayaa iswaydiiyay waxa diyaaradaha turkigu ay damacsanaayeen.

Alexis ayaana intaas ku sii daray in ay ka go’antahay in uu la shaqeeyo Turkiga balse Giriiggu uu mar kaste difaaci doono sumcadda qaranka.

Dawladda Turkiga ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay.

Wakaaladda wararka ee Anadolu ee dawladda Turkigu maalgaliso ayaa soo xigatay masuuliyiin sheegaya in “diyaaraduhu ay ku jireen hawlgal ay si joogto ah u sameeyaan”.

Calaaqaadka labadan dal ayaan xumaa tobannaan sano waxayna isku hayaan dhul.

Balse Alexis iyo madaxweyne Erdogan ayaa sameeyay dadaal ay ku doonayeen in ay ku hagaajiyaan calaaqaadka sannadkii 2017, Erdogan ayaana noqday hoggaamiyihii u horreeyay ee Turki ah ee Giriigga booqda muddo 65 sano ah.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews